WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo ka hadashay Waxtarka Tallaalka COVID-19 ee la keenay Muqdisho

War qoraal ah, oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga hadlay warbixinada shaki gelinta ah ee ku saabsan talaalka COVID-19 oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in talaalka uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana badqabkiisa ay tijaabiyeen khubaro caafimaad oo caalami ah oo ka tirsan hey’adda WHO iyo hey’adda caafimaadka Midowga Yurub ee EMA.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalalkii dhowaan si ku meel gaar ah u hakiyay talaalka ay hadda sheegeen in ay dib u bilaabayaan isticmaalkiisa.

“Khibradda aan u leenahay ka hor taga cudurada lagula dagaalamo talaalka iyo baaritaanada lagu sameeynay macluumaadka la xiriira talaalka COVID-19 ayaa na faraya in  Oxford Atrazeneca lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Riix si aad u Akhriso Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka .

SOMALI NEWS

To Top