WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay weerar Cirka ah oo ka dhacay…

Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar dhanka Cirka ah oo Kooxda Xuutiyiinta ay ka geysteen meel ka mid ah Gudaha dalka Sacuudiga.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda Xuutiyiinta ay weerar argagaxiso ku qaadeen Magaalada Khamis Mushait, iyaga oo weerarkaas u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku rakibeen.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Sauudiga, isla markaana ay ka caawineyso ilaalinta amnigeda iyo badqablkjeeda dhuleed.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda.

SOMALI NEWS

To Top