WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shil Naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay habeenkii xalay aheyd Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga degmada Boondheere, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii uu soo fariin goostay gaari nooca xamuulka qaado ah, wuxuuna dul-maray mooto Bajaajyo yaallay laamiga.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Halkaan riix si aad u daawato Muuqaalka Shilka.

SOMALI NEWS

To Top