WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo War cusub kasoo saartay Shirka Madaxda ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay inay shir isugu yimaadan Madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in Shirka Madaxda uu ka dhici doono Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Dubbe

SOMALI NEWS

To Top