WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan gaar ah la yeeshay James Swan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho  ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku qaabilay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.

Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.

Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka.

“Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay  in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Muqdisho ka waday kulamo looga hadlayo Arrimaha ka taagan doorashooyinka.

SOMALI NEWS

To Top