WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Somaliland oo Go’aano kasoo saartay Goobaha Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah soo saartay Go’aano ku socda maamulada goobaha Waxbarashada, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Go’aamada kasoo baxay Wasaaradda, kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo looga hortegayo Cudurka.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa siweyn ugu soo laba kacleeyay Cudurka safmareynka ah ee COVID-19, isla markaana waxaa uu ku dhacay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Seylici iyo Wasiiro ka tirsan Somaliland.

Halkaan riix si aad u Daawato Go’aamada lasoo saaray.

SOMALI NEWS

To Top