WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Farmaajo iyo M/Goboleedyada oo kulan ku yeeshay Afisyooni

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Goor dhow kulan hordhac ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.

Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay furitaanka Shirka guud ee Maanta dhexmaraya Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, waxaana intiisa badan diirada lagu saaray Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ee ka dhacaya Afisyooni.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka Madaxda ee  Magaalada Muqdisho ka furmaya, waxaana Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo hadlay uu sheegay in Shirkaas aysan ka qeyb geli doonin, maadaama aan lagu soo wargelin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe laga shaki qabo inuu isna ka qeyb gelin Shirka looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top