WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo Deni oo diiday ka qeyb galka shirka Afisyooni + sababta

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamula dalka ee Maanta dhacaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa sheegay in aysan dooneynin ka qeyb galka shirka Madaxda, sababo la xiriira in hore la isku raaco Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda ee Maanta furmaya.

Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kalen dalbaday in qaabka agaasinka Shirka aanu aheyn sidii balanta aheyd oo ay Codsadeen in Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto, isla markaana ay ka qeyb galaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

Madaxweyne Saciid Deni oo shalay la hadlay warbaahinta BBC-d ayaa u sheegay in aan lagu soo wargelin shir ka dhacaya Caasimadda dalka, isla markaana shirka uu Iclaamiyay ay ka arkeen oo kaliya baraha Bulshada.

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Teendhada Afisyooni, iyagoona yeeshay kulan hordhac ah oo looga hadlayo doorashada.

SOMALI NEWS

To Top