WARARKA SOOMAALI

Sawir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Gen. Moorgan kula galay Garoowe oo dood culus dhaliyey.

Garoowe ( HM ) Waxaa dood Xiiso leh dhaliyey Sawir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo magaalada Garoowe kula galay Gen. Moorgan oo kamid ahaa Saraakiishii Dawladii dhexe ee Kacaanka, ugu saamaynta badnaa.

Cabdiraxmaan C.shakuur ayaa horay Madaxwayne Farmaajo ugu eedeeyay Sawir uu kala galay Col. Tuke Dalka Maraykanka  Xili uu booqasho halkaasi ku tagay.

Cabdiraxmaan ayaa markaasi ku dooday inuu madaxwayne Farmaajo sawir la galay nin dambiile ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadana Wuxuu isagu Caawa sawir la galay Gen. Moorgan oo Kornayl Tuke uga saamayn badnaa Dawladii kacaanka.

Hadaba Soomaalidu Taariikhda Halyeeyga iyo Dambiilaha ma Haboon tahay inay ka Heshiiso, ama Reer kasta midkooda  loo daayo, Xageese lagu go’aamiyey Maxkamadda Kuwa ka dhigtay Mujaahidiin, Kuna ka dhigtay Dambiileyaal.?

Gen. Moorgan hadii ayn soo qaadano, Waxaa jira dad  u yaqaan ninkii bulshada magaalada Hargeisa dadka badan ku laayey ,  Halka ay Jiraan dad u yaqaana Halyeey Qarankiisa difaacayey, oo Xili adag dalkiisa usoo shaqeeyay.

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland,  Waxaa jira dad  u yaqaan inuu dambiyo dagaal gaystay, Islamarkaana uu yahay Nin Jabhad ahaa oo dagaal la galay dawladii dhibaatanaa horseeday. Waxaana Taasi bdedelkeeda jira dad u yaqaana Mujaahid Dhuuxa iyo dhiiga soo horay,  Maantana waaba Madaxwayne Jamhuuriyadda Barakaysan.

Col. Tuke Sidoo kale Waxaa jira dad  u Aqoonsan inuu yahay Halyeey dalkiisa usoo shaqeeyay, oo Wax dhibaato ah aan gaysan, oo Dacwad been ah laga sameeyay,  Halka sidoo kale ay jiraan dad aaminsan inuu yahay dambiile dad dhibaato u gaystay.

Jeneraal Caydiid  AHN, Cabdi Qaybdiid iyo Muuse Suudi  Waxaa sidoo kale jira dad u yaqaana Geesiyo Xaq u dirir ah, Halka jiraan dad kasoo horjeeda taasi bedelkeeda oo dambiileyaal u aqoonsan .

Magaalada Baydhabo Shaati Gaduud   laba waji ayaa dadku u kala Aqoonsan yihiin ku leeyahay! Halyeey iyo Dilaa.

Sow hadaba Cabdirahman Cabdishakur Warsame uma  baahna in uu taariikhda iyo naftiisa heshiisiiyo! Waayo, Tuke dilaa ayuu u yaqaan, Morganna halyey isma qabanso.

Mala Joogaa Xiligii  ay Bulshada Soomaaliyeed  ka Fadhiisan lahayd Taariikhda Halyeeyga iyo Midka dilaaga ah. ?

SOMALI NEWS

To Top