WARARKA SOOMAALI

Ammaanka Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay iyo Madxweyne Farmaajo oo ku wajahan maanta.

Dhuusamareeb (HM) – Ammaanka Dhuusamaree ayaa lagu soo warramayaa in saaka si weyn loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka waa weyn ee magaaladasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dhuusamareeb uu maanta ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha ayaa laga dareemayaa halkaasi

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xal u helista arrimaha doorashada ee 2020/2021

Lama oga natiijada soo ka soo bixi karta shirkan oo si foolka fool ah ay iska hor imaan doonaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe.

Si kastaba ha’ahatee waxaa weli muran xoogan uu ka taagan tahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan iyo kan xiga  ee 2021-ka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top