WARARKA SOOMAALI

Saldhigii Berbera ee Imaaraadku dhisanayey oo la joojiyey wax badan ka ogow sababta-Akhriso

Sida ay baahisay idaacada Kulmiye waxaa la hakiyay dhismaha saldhig milateri oo dowlada
Imaaraatka carabtu ka waday garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Qaar ka mida shaqaalaha madaarkaasi dhismaha ka waday oo ka gaabsaday inay magacyadooda sheegaan arimo amni dartii ayaa sheegay in Axadii shalay maayirka magaalada Berbera ku wargaliyay in shaqada la joojiyo islamarkaana ilaa amar dambe ay soo saarayaan aan la bilaabi Karin dhismaha saldhiga.

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helayno xukuumada Somaliland ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatku aanay fulin balanqaadyo ay la gashey xukuumada Somaliland kuwaasi oo ay ku badalanayaan saldhiga Milatari.

Balanqaadyadaasi heshiiska saldhiga ku jiray waxaa ka mid ahaa in la dhiso wadada isku xidha berbera iyo Wajaale iyo in madaar madani ah laga sameeyo magaalada Berbera, balse lama fulin arrintaasi ayaa keentay in la hakiyo saldhigaasi sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno masuuliyiinta dowlada.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo hore uga hadlay dhismaha saldhigaasi waxaan uu sheegay in aan la dhiseyn ilaa dowladu Imaaraatku fuliso balanqaadyada heshiiska ku qornaa ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraatku.

SOMALI NEWS

To Top