WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo soo Bandhigay Magaca iyo Qabiilka Ninkii isku qarxiyey Hotel Doorbin Jimcihii,Magaciisa-Akhriso

Al-Shabaab ayaa baahisay magaca mid ka mid ah raggii ku lugta lahaa weeraradii maalintii jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Doorbin oo ku dhow Xarunta Dhexe ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa laga sii daayay wareysi lala yeeshay is qarxin ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku dhow Hotelka Doorbin ee KM-0 ama Ex Baar Fiat.

Ninka weerarka is qarxinta fuliyay ee waday gaariga qaraxa ku rarnaa ayaa lagu magacaabayay C/llaahi Sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo u dhashay Beesha Mareexaan, kana soo jeeda Gobolka Gedo.

Wareysiga lala yeeshay ka hor inta uusan is qarxin ayuu kaga hadlayaa sababaha ku kaliftay inuu weerarkan fuliyo iyo farriimo uu u diray madaxda dowladda.

Al-Shabaab ayaa mar walba soo bandhigta magaca iyo qabiilada ay ka soo jeedaan dadka fuliya weerarada is qarxinta.

Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay dad ka badan sodomeeyo ruux oo ay ku jireen dad rayid ah.

SOMALI NEWS

To Top