WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Safiirka Dalka Turkiga ee Soomaaliya oo booqday Kismaayo kadibna Gobweyn lasoo tusay iyo wuxuu kusoo arkay-Video

Wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo kulamo kula qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay Booqasho ku tageen Dekedda magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Goobwayn oo ah Halka ay isaga Darsamaan  Biyaha Webiga iyo Badda .

Waxaa la socday Olgan Beker ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan deegaanka Goobweyn.

Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aaddan waxay mashaariic horumarineed ka sameyn doontaa magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo Jubbaland ka tirsan.

SOMALI NEWS

To Top