WARARKA SOOMAALI

Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya oo imaaraadka socdaal ku jooga iyo Madaxda waddankaas oo uu la kulmay qaar kamid ah

Xasan Cali kheyre Raysul waasaaraha xukuumada fedraalka soomaaliya oo maalintii shalay ahayd u bixitimay dalka imaaraadka carabta ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula leh madaxda dalka imaaraadka carabta.

Kheyre oo ka dagtay madaar ku yaala magaalada Abu Dubia ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey,waxana socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale,iyo xubno ka tirsan golayaasha dowlada.

Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei oo ah Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Dowladda isku taga Imaaraadka Carabta isla markaana ka mid ahaa xubnihii RW kheyre iyo wafdigiisa ku soo dhaweyey Gigada duyuuradaha ayaa booqashada Raysul wasaaraha ku tilmaamay mid farxad galineysa Dowlada imaaraadka carabta isla markaana xaqiijineysa xiriirka faca weyn ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Mudane kheyre ayaa lagu wadaa in imaaraadka carabta uu baaqi ku sii ahaado muddo ku siman labo casho,waxana waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadli doonaan madaxda imaaraadka carabta laga xusi karaa xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeeya.

SOMALI NEWS

To Top