WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Sadex Ra’iisul Wasaare hore oo Soomaaliya Sanadkan 2020 ka dhintay.

Muqdisho (HM)-Si guud sanadka 2020, wuxuu dunida u yahay mid kamid ah xagaayadii ugu xumaa ee taariikhda soo maray. Colaado, musiibooyin, Covid-19 iyo geerida magacyo caan waa dhacdooyinka lagu xusuusanayo.

Si gaar ah Soomaaliya oo qayb kamid ah waxyaabahaas ay ka dhaceen waxaa ka geeriyoodey saddex kamid ah ra’iisul wasaareyaashii dalka soo maray.

Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde]

Ra’iisul wasaarihii 12aad ee Soomaaliya oo xafiiska joogay November 2007 illaa February 2009 taasoo u dhiganta hal sano iyo 82 maalmood ayaa caasimada Ingiriiska ee London ku geeriyooday 1-da April markii haleelay Xanuunka Covid-19.

Nuur Cadde oo lasoo shaqeeyay madaxweynihii dowladii ku meel-gaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bedelay Cali Maxamed Geedi oo is-casilay. Muqdisho ayuu ku dhashay sannadkii 1938 wuxuuna ahaa 82 sano jir.

Xasan Abshir Faarax

Ra’iisul wasaarihii 9aad ee Soomaaliya ayaa xilka hayey intii u dhaxeysay November 12, 2001 to November 8, 2003. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, duqa Muqdisho iyo Xildhibaan federaal ayuu sidoo kale soo noqdey.

Marxuumka oo caasimada Turkiga ee Ankara ugu dhintay isagoo 77-sano jir ayaa sanadkii 1943 ku dhashay Muqdisho. Dowladii Cabdiqaasim Salaad ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee Jabuuti ayuu ka noqdey wasiirka koowaad.

Geeridiisa ayaa timid maalmo kadib markii Turkiga loogu qaadey xaalad caafimaad. Ma jirto cid fahfaahin ka bixisay cudurkii isbitaalka loo dhigay.

Cali Khaliif Galeydh

Ra’iisul wasaarihii 8aad ee Soomaaliya ayaa xukunka gacantiisa ku jirtay October 8, 2000 to October 28, 2001 taasoo ka dhigan hal sano iyo 20 maalmood ayaa ku dhintay magaala madaxda Soomaali Galbed ama Kalinka Shanaad ee Jigjiga.

Galeydh oo xilka wasiirka koowaad ka ahaa dowladii kacaanka Wasiirka Warashadaha soona noqdey Xildhibaan federaal iyo Madaxweynihii Maamulka Khaatumo, ayaa la isku khilaafsan yahay xanuunka uu u dhintay xilli qoyskiisu ay dalbadeen baadhis dhaaraad ah.

Mas’uuliyiinta dowlad degaanka ayaa wariyey in uu u dhintay Covid-19. Balse, dhakharkii gacanta ku haayey, jabhada ONLF iyo qoyskiisu way naqdiyeen, iyagoo tuhunsan in lagu sumeeyay cunto uu qaatay markii xanuunku kusoo boodey.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top