WARARKA SOOMAALI

Meydka Dr. Cali Khaliif Galaydh oo maanta la keenayo Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Meydka Allaha u naxariistee marxuum Dr. Cali Khaliif Galeydh Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii Maamulka Khaatumo oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo laguna aaso magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in salaada janaasada lagula tukan meydka Galeydh Garoonka diyaaraaha Aadan Cadde kadibna la aasi doono.

Salaada janaasada iyo aaska meydka Dr. Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa aaska marxuumka ka qayb galaya qaybaha kala duwan ee Bulshada, Cuqaasha, Garaadada deegaanka qaar kamid ah iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeydh ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya sidoo kalena wuxuu ahaa aqoonyahan, Macalin sare iyo Siyaasi caan ka ah Geeska Africa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top