WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Dr. Cali Khaliif Galaydh & Cagjar oo guddi magacaabay.

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid Alle ha unaxariistii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii Maamulkii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Dowladda deegaanka Soomaalida.

Muuqaal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu tacsi ugu diray Ra’iisul Wasaaruhu guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ehelka iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Dr. Galaydh isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay aas qaran u sameyn doonto Marxuumka.

Dhanka kale war kasoo baxay Madaxtooyada Ismaamulka Soomaali Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cagjar uu magacaabay Guddi loo xil saaray qaban qaabada aaska Cali Khaliif Galaydh.

Si kastaba aha ahaatee Geerida Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal hayn xooggan iyo shaki abuurtay iyadoo dadka ay codsanayaan in Geerida Marxuumka la baadho oo aan aaska lagu deg degin halka dadka qaar ay dooneyn in lagu aaso Magaalada Jigjiga oo Maamulka Cagjar ay qorsheynayaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top