WARARKA SOOMAALI

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la kala diray iyo sababta ka dambeysay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa lagu kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee hadda jira.

Wasiir Khaliif Cabdi ayaa Guddi KMG ah u magacaabay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood, isla markaana ka shaqeyn doona diyaarinta doorashadii lagu soo dooran lahaa maamul kale oo beddela maamulkii hore u jiray.

Guddigii hore ee Rugta Ganacsiga ayaa waxaa lagu eedeeyay xaalad abuuur iyo inay Cuuryaanimyeen shaqada Ganacsiga dalka iyo Ganacsatada Soomaaliya, loona baahday in isbedel lagu sameeyo Guddigaas.

“Dib markii Wasiirku darsey xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada dalka oo ay curyaameen hawlaha laga ma maarmaanka u ah horumarinta ganacsiga dalka iyo qodobo kale ba uu go’aan ku gaadhay in dib-u-habayn lagu sameeyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Wareegtada Wasiirka kasoo baxday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.

SOMALI NEWS

To Top