WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Garoowe + sababta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahidi Guuleed iyo wafdigiisa.

Mahdi Guleed ayaa Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Soomaaliya, waxaana shirkaas ka baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu casuumay.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaano badan oo la socday ayaa gaaray Magaalada Garoowe, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa lagu casuumay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo qaarkood tegay Caasimadda Puntland iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Jubbaaland Qoorqoor iyo Axmed Madoobe oo halkaas tegay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa Garoowe la filayaa inay gaaraan wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

SOMALI NEWS

To Top