WARARKA SOOMAALI

Dil khaarijin ah oo ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo barqnimadii Maanta lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi ee Gobolka, isla markaana rag dhalinyaro oo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa toogasho ku dilay saddex Askari oo ka tirsnaa Ciidanka NISA gaar ahaan kuwa dharcadka loo yaqaano.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in raggii ka dambeeyay ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen, isla markaana waxaa halkaas tegay Ciidanka Booliska dowladda, iyagoona soo qaaday Meydadka Askarta la dilay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,  waxaana Askrataas la dilay xili ay mashquul ahaayeen, sida la sheegay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda.

SOMALI NEWS

To Top