WARARKA SOOMAALI

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Garoowe

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyaha Jubbaland ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb galaya Shirka Machadka Clmi Baarista ee Heritage oo markii horreeyay lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya, xili saddexdii sano ee lasoo dhaafay lagu qabanayay dalka Jabuuti.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xubno kale ayaa ka qeyb galaya Shirkaas oo furmi doona maalinta berrito.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Puntland oo marti-gelinaya Shirka ayaa ka qeyb geli doona Madasha Shirka Machadka Clmi Baarista ee Heritage oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.

SOMALI NEWS

To Top