WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo gaaray Garoowe iyo ujeedka safarkiisa

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa waxaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kheyre kusoo dhaweyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, iyadoo loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Kheyre ayaa ku biiraya wufuud horey ugu sugneyd Magaalada Garoowe oo iskugu jira, masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Goboleedyada, Musharaxiin Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kale.

Dhammaan wufuudan ayaa lagu casuumay ka qeyb galka dood uu soo qaban-qaabiyey machadka Heritage, taasoo looga hadlayo xaalada Somalia iyo xiliga kala guurka, waxaana sanadkii ugu horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goorsii horreeysay gaaray Magaalada Garoowe, si uu uga qeyb galo Shirka Madasha oo maalinta berri si rasmi ah uga furmi doona halkaas.

SOMALI NEWS

To Top