WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Nin gowracay Haweeney Uur laheyd oo gacanta lagu dhigay + Magaciisa

Ciidamada Booliska ee Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu fal Kufsi iyo dil ka geystay deegaan ku yaalla duleedka Magaaladaas.

Ninkan la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Maxamed Yuusuf ayaa loo haystaa dilka Allaha u naxariistee Ubax Maxamed Macalin Yaxye oo xalay lagu dilay duleedka  Caabudwaaq, taasi oo aheyd haweeney leh Uur saddex bilood ah.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in Meydka gabadhaa laga  helay duleedka Magaalada, isla markaana ay marka hore arkeen dad xoolo dhaqto ah, kadibna ay kusoo wargeliyeen Ehelada gabadha ka maqneyd.

Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in ay ruuxa ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yaxye, isla markaana baaritaan ay ku sameyn donaan.

Falalka kufsiga iyo dilka lagula kacayo haweenka ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo hore falal kufsi iyo dil isugu jira ay uga dhaceen magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho ,Burco, Gaalkacyo iyo qaar kale oo dalka ka tirsan.

SOMALI NEWS

To Top