WARARKA SOOMAALI

Ingiriiska oo balan qaad muhiim ah Maanta u sameeyay Maamulka G/Banaadir

Gudddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ben Fender.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Cumar Finish  iyo Safiirka ayaa waxaa loo hadlay horumarada ka socda Caasimadda dalka ee Muqdisho, wadashaqeynta labada dhinac taagerada qebta unuga xalinta khilaafadka xasilinta iyo nabadenta.

Amb. Ben Fender ayaa si rasmi ugu dhawaaqay intii uu kulanku socday inay taageero ballaaran ka geysanayaan mashruuca nabadeynta bulshada caasimada, taasi oo uu wado Gobolka Benaadir.

“Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska  u qaalbilsan Soomaaliya Ben Fender waxaan kawada hadalnay hormarinta caasimadda Muqdisho iyo xal u helidda xasilinta unuga nabadenta Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Filish oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka.

Safiirka Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku raacay inay si wada-jir ah uga wada shaqeeyan fulinta mashruucan, kaasi oo looga dan leeyahay inuu nabad waarta ka abuuro caasimada iyo guud ahaanba Gobolka.

SOMALI NEWS

To Top