WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baaq Deg-deg ah kasoo saaray dadkii Baracakay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Baaq ku socda dadkii shalay ka barakacay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qoraal uu Goordhaweyd soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu dadkii ku barakacay dagaaladii ka dhacay Caasimadda Muqdisho ugu baaqay inay dib ay guryahooda ku soo laabtaan oo haatan xaaladda ay degan tahay.

Rooble ayaa Ciidanka dowladda Federaalka faray in ay shacabka barakacay u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan, isagoona tilmaamay inay ka go’an tahay in shacabka ay nabad iyo xasillooni helaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni” ayuu yiri Rooble.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayay xaalad kacsanaan ah, kadib dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay sameeyeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top