WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rooble, Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharaxiinta oo kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay sidii amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa amni darro dhacda.

Halkaan ka Daawo Muuqalka Wasiir Al-cadaala oo hadlaya.

SOMALI NEWS

To Top