WARARKA SOOMAALI

Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Waxaala xaqiijiyay in uu  geeriyooday Hanti dhowrahii Guud ee Dowlad Goboleedka Jubaland  Cabdi Casiis Sheekh Xuseen Dayib, kaas oo kamid ahaa Aas’aasayaashii dowlad Goboleedka Jubbaland.

Marxuum ka ayaa waxaa uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii janana rabi uu ka Dhawan ayaa waxaa la filayaa in la Aaso meydka Hanti dhowrahii Guud ee Dowlad Goboleedka, waxana ka qeyb geli doona madax ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ehelladiisa.

SOMALI NEWS

To Top