WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalkii Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka kunool Muqdisho, ayna barakiciyeen, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka Caasimadda.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Somaliland ay arrimo siyaasadeed isku hayaan Madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta diiddan qarannimada Somaliland, ayna ka xun yihiin dhibaatada loo geysanayo Bulshada.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Muuse Biixi.

SOMALI NEWS

To Top