WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Xeendaabka xerada Asluubta ee ku dhaw Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay darbiga xerada asluubta, waxaana qaraxa la sheegay in khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay goobta uu ka dhacay.

Ciidamada asluubta oo ku sugnaa xerada ayaa qaraxa kadib rasaas furay, waxaana goobta laga qaaday dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ismiidaaminta ah ee loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan saakay ka dhacay xerada Asluubta ee magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top