WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda M/Goboleedyada oo kulan yeelanaya

Waxaa maanta la filayaa in Hotel ku yaalLa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan dhax maraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Shanta maamul goboleed ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashada iyo sidii uu u dhici lahaa shirweynaha looga hadlayo arimaha doorashada ee lagu balansan yahay.

Madaxda maanta shireysa ayaana la filayaa in ay isla meel dhigaan Ajandayaasha kulanka guud ee looga hadlayo arimaha doorashada , waxaana shirkan horudhac u yahay Shirka Berri ka furmaya teendhada Afisiyooni.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho shirar uga socday madaxda shanta maamul goboleed kuwaa oo isku soo dhawaaday iskuna afgartay in la isugu yimaado shir weyn oo qeyb ka tahay DF si looga hadlo khilaafka doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ayaana gacan ka geestay kulamada iyo isku soo dhawaanshaha Madaxda dowlad goboleedyada, Beesha Caalamka ayaana dadaal badan ku bixineysa sidii u furmi lahaa Shirka Teendhada Afisiyooni ee marar badan baaqday.

SOMALI NEWS

To Top