WARARKA SOOMAALI

Madaxda M/Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo kulan xasaasi yeeshay

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku kulmeen hotel ku yaala Xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamada looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka iyo sidii xal loogaga gaari lahaa.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in isfaham laga gaaro khilaafka doorashada dalka, waxaana uu shirkan yahay mid beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ku xaqiijinayaan Jawi degen in uu ku bilowdo shirka loo ballansan yahay inuu berri ka soo qeybgalo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maanta ay la kulmaan Madaxda maamul Goboleedyada Ra’iisul Wasaare Rooble iyadoo kulankoodu uu galay maanta maalintii saddexaad.

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa horey is faham uga gaaray shuruudaha Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu xireen ka qeyb galka Shirka guud ee Madaxda.

SOMALI NEWS

To Top