WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mas’uul Goor dhow lagu Qarxiyey Muqdisho iyo Khasaaro jira

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo sigaar ah uga dhaca agagaarka Xarunta degmada Deyliine ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa nooca dhulka la geliyay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana gaariga uu qaraxa ku qabsaday xili uu marayay agagaarka Xarunta degmada.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee uu badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo kamid ah oo goobta marayay, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad,.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Qaraxa ka dhacay Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top