WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo baaqday, kadib…

Kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah.

Fariinta loo kala diray xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi illaa maalinta Arbacada ee 31ka bishan, kaasi oo Ajendihiisu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19

“Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.

Dib u dhigistan ayaa ka dambeysay kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh ku saareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoonka Golaha.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Golaha Shacabka

SOMALI NEWS

To Top