WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somalia oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya General Ismaaciil Axmed oo ahaa Saraakiishii Aas-aasay Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil.

Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Halkaan ka Daawo MuuqaalkA Tacsida Taliyihii Ciidanka Asluubta

SOMALI NEWS

To Top