WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Gobolka…

Ciidamada  Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday Tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa ku dhaqaaqay tuulada Buulo Xaaji oo hoostaga deegaanka Janaale ka dib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Xoogga dalka ku dileen horjoogihii Qaraxyada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Ismaaciil Jiis iyo 10-maleeshiyo oo la joogay,sida lagu daabacay Idaacadda ciidamada qalabka sda.

SOMALI NEWS

To Top