WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-15 Xildhibaan oo laga joojiyay fadhiyada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 15 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka ka joojiyay kulamada Golaha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa waxaa 15-ka Xildhibaan lagu eedeeyay inay is hor istaag iyo fowdo ku sameeyeen kulankii shalay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu kala tegay, kadib markii uu buuq hareeyay.

Xildhibaanadan ayaa laga joojiyay inay ka qeyb galaan 5 kulan oo uu yeelanayo Golaha Shacabka oo kulanka ugu soo horreeya uu dhici doono berri sida uu qorshahu yahay, waxaana Xildhibaanadaas kamid ah Mahad Maxamed Salaad iyo Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare.

Halkaan Riix si aad u Daawo Muuqaalka

SOMALI NEWS

To Top