WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti Balaadhan oo maanta ku wajahan Dalka Turkiga…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu waday in 15-kii bishan uu u ambabaxo dalka Turkiga, hase ahaatee safarkiisa uu u baajiyay musiibadii ka dhalatay qaraxii Isgoyska Zoobe ee dhacay 14-kii bishan.

Sida ay qortay Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmi doono Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Binali Yildrim.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu booqan doonaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii Isgoyska Zoobe, kuwaasoo la dhigay Isbitaalo ku yaala Ankara.

Dowladda Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn Soomaaliya, waana dowladdii u horeysay u soo gurmatay, kaddib qaraxii dadka badan ku dhinteen ee todobaad ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

SOMALI NEWS

To Top