WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Socdaalka uu ku joogo Jabuuti iyo wadamo ka mid ah Gobalka-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Halkan riix daawo video

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka  Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Faramajo ayaa sheegay in Safaradii uu ku soo kala bixiyay Wadamada Uganda Itoobiya iyo Jabuuti uu hadda ku sugan yahay ay tahay in uu taagero kaga raadinayo taas oo ah in ay ka taageeraan la dagaalanka Al-Shabaab

SOMALI NEWS

To Top