WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas muxuu ka yidhi Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyadda ee Madaxweyne Farmaajo marti galinayo-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada ay aqbaleen casuumaadii uga timid Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay ka soo qeyb galaan shir ka dhici doona magaalada Muqdisho 28-ka bishan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

C/wali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay wada shaqeeyaan, si ay u yaraato xasarada labada dhinac ka dhex taagan.

“Anigoo ku hadlaya Madasha dowlad goboleedyada, waxaa aqbalnay Casuumaada Madaxweynaha dowladda Federaalka noo soo diray oo ah 28 bishan inaan ka qeyb galno shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/wali Gaas.

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa looga hadli doonaa in labada dhinac xaliyaan khilaafaadka ka dhex jira iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Madaxda maamul goboleedyada oo horaantii bishan ku kulmay magaalada Kismaayo ayaa ku dhisay Gole ay ku mideysan yihiin oo la magac baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana Guddoomiye u ah Madaxweynaha Puntland, halka Guddoomiye kuxigeen u yahay Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

SOMALI NEWS

To Top