WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo abaalmarin Lacageed gudoonsiiyey Ciidamadii fashiliyey Qaraxyaddii shalay-Sawiro

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo  ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay kooxda Al-Shabaab la doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeed  ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan  hantidooda.

Cidanka nabad sugidda Qaranka oo hayay xogta ku saabsan qaraxyadii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho ayaa  ka hor tagay, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi la damacsanaa Garoonka Diyaaradaha ,halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada , waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen inta u dhexeysa  Is-goysyada Zope iyo Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen  Shacabka  Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyr ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo.

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane; Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriin ah sida ay Madaxda Dalku u garab taagan tahay had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

SOMALI NEWS

To Top