WARARKA SOOMAALI

Daawo- Xildhibaanadii ugu badnaa oo ugu Baaqay Jawaari inuu Iscasiliso-VIDEO.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa mar kale ugu baaqay inuu is casilo, kaddib kulan dhoolatus u muuqday oo ay maanta ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay noqday geed fadhiga Xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiye Jawaari.

HALKAN KA DAAWO BAAQA…

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka, isla markaana ay ka dalbanayaan inuu is casilo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaanada gaaraya 200 ay ka dalbanayaan inuu is casilo, isla markaana inta aan la jiidin uu is casilo.

Kulankan ay maanta yeesheen Xildhibaanada ka soo horjeeda Jawaari ayaa ku soo aadaya, iyadoo la hadal haayo in maalinta berri ay kulan yeelanayaan Xildhibaanada, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin…

SOMALI NEWS

To Top