WARARKA SOOMAALI

QM iyo Midowga Afrika oo Baaq wadajir ah u diray Madaxda Soomaalida

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Qoraal ay soo saareen Moussa Faki iyo António Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro qabsoomida doorashada dhaceysa, iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-kii Sebtember lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalia inay dib u bilaaban wada-hadlo miradhal ah, ayna ka wada hadlaan khilaafka taagan, si looga gudbo caqabadaha iyo is marin waaga taagan.

“Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hoggaamiyaasha Soomaalida inay dib u bilaabaan wada hadalada kuna shaqeeyaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee ugu dambeeya ee doorashooyinka loo dhanyahay sida ugu dhaqsaha badan uguna ixtiraamaan heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020.” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Si kastaba Khilaafka ugu weyn ee doorashada dalka ayaa waxaa uu ka taagan yahay Arrinta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland oo ay isku haayan dowladda Federaalka, waxaana haatan Baydhabo shir uga socdaa Guddi ka socda DF, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top