WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo beenisay War naxdin leh oo lagu faafiyay baraha Bulshada

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in xalay 30 qof Isbitaalka Martiini ee Muqdisho ugu geeriyootay Cudurka COVID-19, hayeeshee waxaa warkaasi ka hadashay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda ee xilka sii-heysa Fowsiya Abiikar Nuur ayaa beenisay wararka la faafiyay ee ahaa in hal maalin 30 qof Cudurka ugu geeriyootay Muqdisho, iyadoona warkaas ku tilmaamtay mid been abuur ah.

Waxaa ay sheegtay in dadka wararkaas faafinaya ay doonayaan in dadka ay cabsi la xiriirta Cudurka ku abuuraan, waxaana dadkaas ay ugu baaqday inay ka joojiyay arrintaas, si aan looga sii fogeyn dadka qaba cudurka inay is baaran.

Fowsiya Abiikar oo warbaahinta la hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in Isbitaalka Martiini ay tageen 16 qof, waxaana hal qof oo dadkaas kamid ah la geeyay qeybta Gargaarka deg deg ah ee ICU-da, halka 9 kalena isbitaalka la jiifiyay, kuwo kalena dib loogu celiyay guryahooda, lana siiyay tallooyin Caafimaad.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Carabka ku dhufatay in shalay 05:00 galabnimo ilaa iyo saakay 06:00 subaxnimo ay Cudurka COVID-19 Isbitaalka Martiini ugu geeriyoodeen 5 qof, waxaana hal qof uu ku jiray qeybta ICU-da, halka kuwo kalena ay ahaayeen bukaano.

Shacabka Soomaaliyeed ayey ugu baaqay inay qaatan tallooyin Caafimaadka, isla markaana kala fogaan, si Cudurka oo mar kale soo laba kacleeyay uusan u faafin, sidoo kalena xogta dhabta ee Cudurka la xiriirta ka qaatan Wasaaradda Caafimaadka DFS.

SOMALI NEWS

To Top