WARARKA SOOMAALI

Dad ugu badnaa ee qaba Cudurka COVID-19 oo laga helay Magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 100 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 92 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, Hirshabeelle 1, Jubbaland 4, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo 3 qof laga diiwaan-geliyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 5,373 xaaladood.

Bukaannada cusub 63 kamid ah waa Rag, halka 37 kalena ay yihiin dumar, waxaana saacadihii ugu dambeeyay Cudurka dalka ugu geeriyooday 9, waxaana tirada guud ee dadka gudaha Soomaaliya Cudurka ugu dhintay  ay gaareysaa 163 qof.

Wasiirka Caafimaadka ee xilka sii-heysa Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.

SOMALI NEWS

To Top