WARARKA SOOMAALI

Qarax Xooggan oo Galabta ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay Rasaas ka dhacaysa…

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, iyadoo qarax labaad uu ka dhacay nawaaxiga Hotelka, daqiiqado kaddib qaraxa hore oo ahaa mid aa du xoogganaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas culus, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay gudaha Hotelka gashay, iyadoo ay rasaas culus is weydaarsanayaan Ilaalada Hotelka iyo dableyda hubeysan.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, waxaana lagu arkayay gawaarida gurmadka deg dega oo daabulaya dadka ku waxyeeloobay.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ruux ku dhimatay qaraxa hore, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo isugu jiray dad wadada marayay oo saarnaa gaari iyo kuwa hareeraha wadada fadhiyay.

Goobta qaraxa ka dhacay waa goob aad u bulsho badan, iyadoo maqaayad galabihii la fariisto ay ku dhow dahay hotelka oo lagu magacaabo Banooda Restuarant.

Hotelka Naasahablood 2 waxaa la sheegaa inuu leeyahay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waana mid ka mid ah hotelada caanka ah oo ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale qurbaha ka yimaada.

Hotelka Naasahablood 2 waxaa uu ku dhow Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka Jilacow, waxaa uu sidoo kale kaabiga ku hayaa Xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Weerarka lagu qaaday Hotelkan ayaa ku soo beegmaya, labo todobaad kaddib qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top