WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii galabta ka dhacay Muqdisho iyo Hotel Naaso-Hablood oo Dad badan ku dhinteen-Video

Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanayo Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo inay gudaha Hotelka ka dagaalamayaan kooxo ka tirsan Shabaab.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaas, waxayna sheegeen inay Gudaha u galeen Hotelka kadib weerar ku bilowday is qarxin oo halkaas lala eegtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay halkaas ka dagaalamayaan Ciidamado ka tirsan isla markaasna ay ka wadaan howlgal culus, Sida goob-joogayaal ay xaqiijiyeen ilaa hadda dhimashada waa 10 qof, halka dhaawaca la sheegay inuu intaas ka badan yahay.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Taliyayaal ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Xildhibaano hore oo aan weli magacyooda si rasmi ah loo helin Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa kamid ah dad rayid ah oo saarnaa gawaari marayey iridda hore ee Hotelka.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax kale oo aad u culus, waxaana weli halkaas laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya, Sidii caadada aheydna Al-shabaab ayaa weerarkaan kusoo aadiyey xilli galabka uu dhici rabay si ay ilaa habeenkii halkaas ugu sii jiraan.

SOMALI NEWS

To Top