WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo taagertay Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb

Qaramada Midoobay, ayaa soo dhowaysay Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo sida qorshaysan lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Bahda Qaramada Midoobay ay soo dhowaynayso Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee isaga iyo Madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb.

Qaramada waxay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku boorrisay, in si deg deg ah Heshiis uga gaaraan Arrimaha Doorashada dalka, oo muran iyo khilaaf ka jiro, si loo qabto doorasho loo dhanyahay.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.”

Shirk a dhacaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed dalka iyo khilaafka soo jiitamayey ee ka taagan doorashada oo ay isku hayaan Madaxda dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland iyo Musharaxiinta.

SOMALI NEWS

To Top