WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo lagu laayay Ciidamo oo ka dhacay K/Galbeed  

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Al-shabaab qaraxyo miino dhulka la geliyay ay la eegteen gaadiid ay wateen Ciidanka Itoobiya oo ku socdaalayey wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Dad ayaa ku warramay inay maqlayeen dhawaqa qaraxyo xoogan oo dhacayay, sidoo kalena hawada laga arkayay uuro cirka isku shareertay, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dadka dhinaca Internet-ka ayey ku sheegteen in Ciidanka Itoobiya ay ku qaadeen weeraro dhabba-gal ah, sidoo kalena la eegteen 5 qarax, xili ku socdaalayeen waddo.

Shabaabka ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 Askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarada lala eegtay, iyagoona xusay in dhaawacyada Askarta lagu daabulay diyaarad kasoo kacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax  war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya oo ay uga hadlayaan weerarada qaraxyada ahaa ee lala eegtay Ciidankooda, kuwaasi oo ka dhacay xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobolka Bakool, waxaana xusid mudan in horey sidaan oo kale qaraxyo loola eegtay Ciidanka Itoobiya.

SOMALI NEWS

To Top