WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo War lama filaan kasoo saartay Shirka MW Farmaajo ku baaqay

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa aqbalay inuu ka qeybgalo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay 1-da illaa 3da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ay ka qeyb galayaan shirka, maadaama hore ay maamulada Jubbaland iyo Puntland ugu baaqeen in la qabto shir loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo saakay la hadlay laanta Afka SOomaaliga ee BBC-da .

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay diidmada ay dowlada Federaalka diiday guddiga doorashooyinka ee Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabeen uu yahay mid lagu doonayo in dowladu ay muddo kororsi ku sameysato.

Khilaafka u dhexeeya Maamulka Jubbland iyo Dowlad Federalka ayaa sare u kacay toddobaadkan kadib markii dagaal uu ka dhacay magaalada BeledXaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

SOMALI NEWS

To Top