WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Madaxweyne Farmaajo oo Shir isugu yeeray Madaxda M/Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleeyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay shirka uu Madaxeeyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada, xili Shirkii ay ku baaqeen maamulada Jubbaland iyo Puntland uu baaqday.

Shirka u furmaya Madaxda oo looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa ayaa waxaa uu socon doonaa  inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir kale oo deg deg ah isugu yeeray xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

SOMALI NEWS

To Top